79 qof oo dhimasho & dhaawac ku noqday weerar hubaysan oo ka dhacay Itoobiya.

Monday October 26, 2026 - 17:55:37
MeMO Staff
Ugu yaraan 48 qof ayaa la dilay, in ka badan 31 kalena waa la dhaawacay, kadib weerarro ay rag hubaysani ka geysteen deegaannada Chole iyo Birbo oo ka tirsan degmada Shirka ee gobolka Arsi oo dhaca koonfurta bari ee ismaamulka Oromiya.
Weerararradan oo bilowday habeennimadii Axadda, ayaa soo gaaray ilaa waaberigii, waxaanay sida ay dadka deggaanku sheegeen, dablaydu ay gudaha u galeen guryaha, iyagoo adeegsanaya qoryo iyo hub culus, isla markaana dilay haween, waayeel iyo carruur da’doodu aad u yar tahay.

Qaar badan oo dadka la laayay ka mid ah ayaa la sheegay inay ahaayeen Kiristan, gaar ahaan kuwa raacsan Kaniisadda Orthodox-ka Itoobiya. Weerarradu waxay socdeen ku dhowaad lix saacadood, waxaana sidoo kale la soo sheegay bililiqo loo geystay kaniisad ku taalla magaalada Digelu.

Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee ismaamulka Oromiya, Hailu Adugna, ayaa rabshadaha ku eedeeyey koox uu ugu yeeray "Tsimdo” oo loo aaneeyo inay xiriir la leeyihiin TPLF, isagoo sheegay inay isku dayaysay inay dowladda dareenkeeda weeciso oo ay ballaariso khilaafaadka gudaha

Weerarradan ayaa qayb ka ah rabshado soo noqnoqday oo sannado badan ka dhacay bariga Arsi, kuwaas oo si gaar ah u saameeyey dadka Kiristanka ah ee hoos-taga kaniisadda Ortodhogoska.

Sida ay sheegtay warbixin ay Golaha Xuquuqda Aadanaha Itoobiya soo saareen bishii Luulyo 2026, ugu yaraan 432 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro bartilmaameed ah oo ka dhacay isla deggaanka bariga Arsi tan iyo 2021/2022. Weerarradaas ayaa sidoo kale sababay afduubyo, barakac iyo burbur.

Related Items

Update cookies preferences